Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qaramada Midoobey oo gargaar muddo dheer xanibnaa gaarsiisay Makelle (Sawirro)

Qaramada Midoobey ayaa sheegTay in tiro kamid ah gawaarida xamuulka oo siday gargaar ay ugu dambeyntii gaareen magaalada caasimadda ah ee Mekelle halkaasoo ay saameeyeen dagaallada ka socda gobolka Tigray.

Baabuurtan gobolka u siday gargaarka ayaa ku go’doonsaneyd gobolka Canfarta halkaasoo ay dagaalo ay ka socdeen.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii la weeraray baabuur xamuul ah oo gargaar raashiin ah u siday boqolaal kun qof oo ay macluul soo wajahday kuwaasoo ku nool gobolka.

Qaramada Midoobey waxay horey ku baaqday in la qaado tallaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo dhibaatada ka taagan gobolka Tigray si looga hortago suurtagalnimada ah in macluusha ay si ba’an u saameyso shacabka Tigray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda cusub ee Puntland oo si rasmi ah xilka loogu wareejiyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Kim Jong Un oo Shaaciyay in ay sameesteen Dayax Gacmeed loo adeegsado basaasid

Cabdi Cade

Dowladda oo Shaacisay in howlgalo lagu khaarijiyay 30-xubnood oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---