Kiisaska cudurka COVID-19 oo mar kale sare u kacaya qeybo ka mid ah Somalia

Cudurka COVID-19 oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay gaaray heerkii ugu hooseeyey gudaha Somalia ayaa mar kale u muuqda inuu sare u kac sameynayo

Tiro dad cusub oo ii soo ritay cudurkan ayaa la dhigay maalmihii ugu dambeeyey isbitaalo ku yaalla magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood.

tirakoobkii ugu dambeeyey ee ay soo saartay caawa Wasaarada caafimaadka Somalia ayaa lagu sheegay in cudurka uu 24kii saac ee la soo dhaafay uu soo ritay dad gaaraya 45 qof, kuwaasoo 32 ka mid ah laga diiwaangeliyey Muqdisho, halka 13 kalena ay joogaan Puntland.

Qoraalka Wasaarada Caafimaadka ayaa sidoo kale lagu sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay 2 qof cudurkan ugu geeriyoodeen isbitaala Martiini ee magaalada Muqdisho.

Sare u kaca uu mar kale sameynayo cudurkan ayaa waxaa uu walaac badan ku abuuray shacabka Soomaaliyeed oo ka cabsi qaba in markii 3aad uu cudurkan ku soo kacleeyo Somalia.

Dad ka badan 15 kun oo qof ayuu cudurkan ku soo ritay Somalia saddexdii ugu dambeysay, halka ku dhowaad kun qofna ay u geeriyoodeen, waxaana jira dad aan la diiwaan gelin oo cudurkan u dhintay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -