Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Gabar uu dhalay safiirka Afghanistan u fadhiya Pakistan oo afduub & jirdil loo geystay

Koox aan heybtooda la garan ayaa afduubtay gabar uu dhalay safiirka Afghanistan u fadhiya Pakistan inkastoo markii dambe ay sii daayeen.

Silsila Ali-Akhil ayaa muddo saacado ah la heystay kadib markii la qafaashay xilli ay ku sii jeeday gurigooda oo ku yaalla caasimadda Pakistan ee Islamabad, waxayna ka dhaawaceen wejiga inta aysan sii deyn ka hor.

Wasiirka arrimaha dibadda Afghanistan ayaa sheegay in gabadhan si xun loo jirddilay isla markaana ay dacwad ka gudbin doonaan dhacdadan.

Waxaa in muddo ah sii xumaanayay xiriirka diblomaasiyadeed ee Afghanistan iyo Pakistan.

Saraakiisha Pakistan ayaa sheegay in gabadha ay baabuur ku riteen kooxdii afduubka ka dambeysay oo ay garaaceen.

safiirka Afghanistan u fadhiya Pakistan wuxuu in xaaladda caafimaad ee gabadhiisa ay wanaagsan tahay, lagana daweynayo dhaawacyo ka soo gaaray jirdil loo geystay, lamaa oga illaa hadda ujeedada ragga falkan ku kacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Abiy oo ku laabtay furumaha Dagaalka Guulana hormuud u noqday

Cabdi Cade

Madaxweyne Zuma oo xukun xabsi ah lagu riday ka dib dacwad muddo dheer socotay

Caydiid Ali

Gabar Caan ka aheyd TikTok oo lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---