Gabar Caan ka aheyd TikTok oo lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed

Gabar u dhalatay dalka Masar caana ka aheyd barta Muuqaalada gaagaaban lagu baahiyo ee TikTok ayaa lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah iyo in ay bixiso lacag ganaax ah oo gaareysa  $13,000 oo dollar.

Xaniin Xosaam, oo caan ka aheyd TikTok ayaa maxkamad kutaala Masar ku heshay dambi ah in ay ku xadgudubtay anshaxa qoysaska iyo bulshada Masar, sidoo kale dhiiro galineysay in gabdhaha iska duubaan muuqaalo anshax xumo ah si ay caan u noqdaan.

Maxkamada Masar kutaala ayaa sidoo kale sadex gabdhood oo kale ku xukuntay in midiiba ay bixiso ganaax lacageed oo gaaraya $13,000 oo dollar, waxaana gabdhahan lagu helay dambi ah in ay ka ganacsanayeen dadka gaar ahaan gabdhaha.

Xeer Ilaalimta Masar ayaa ku eedeeyay gabdhahan la xukumay in ay sameesteen ‘Group-yo’  WhatsApp ayna gabdhaha yar yar uga soo qaadanayeen Muuqaalo anshax daro ah iyaga oo u balan qaadayay lacago iyo in ay caan noqonayaan.

Xaniin Xosaam, ayaa la xiray sanadkii hore kadib markii caro abuuray Muuqaal ay iska soo duubtay iyada oo gabdhaha yar yar ku dhiiro galineysay in muuqalao iska soo duubaan iyaga oo gurigooda jooga kadibna lacag looga badalan doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -