Madaxweyne Zuma oo xukun xabsi ah lagu riday ka dib dacwad muddo dheer socotay

Maxkamada sare ee dalka South Africa ayaa madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma ku xukuntay 15 bilood oo xabsi ah, kaddib markii ay ku heshay dambi ah inuu ixtiraam darro ku sameeyay amar ka soo baxay maxkamadda oo ahaa inuu horyimaado

Eedeymaha loo heysto madaxweyne Zuma waxaa ka mid ah musuq-maasuq iyo fadeexooyin dhaqaale intii u dhexeysay sanadkii 2009 ilaa 2018 ee uu ahaa madaxweynaha South Africa.

Go’aanka Maxkamadda dastuuriga ah ay ku amartay xarriga Zuma ayaa yimid shan bilood kaddib markii maxkamaddu ka codsatay inuu horyimaado, si wax looga weydiiyo musuq-maasuqa lagu soo eedeeyay bishii February, waxaana kiiska Zuma horkacayay ku xigeenka xeer-ilaaliyha guud Raymond Zondo.

Sida ay qortay wakaladda wararka ee Reuters Zuma ayaa si geesinimo ku jirto u diiday amarka maxkamadda.

Zuma, kaliya ma diidin inuu maxkamadda horyimaado, hase yeeshee wuxuu sidoo kale ku gacanseyray jiritaanka kiiskan iyo inuu isdifaaco.

Guddoomiyaha guddiga sida gaarka ah uggu daba jira, ayaa baarayey eedeymaha ay usoo jeedisay maxkamadda, iyagoo uggu danbeyntii ku dhawaaqey in Zuma lagu helay danbi ah inuu quur sadey maxkamad, sidaasi darteedna ay ku xukumeen laba sano.

Tan iyo intii uu is casiley sanadkii 2018-kii, Zuma ayaa isaga daba laalaabanayey maxkamad, taasoo kusoo oogeysay eedeymo la xiriira musuq maasuq, in kastoo uu isagau iska diidey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -