Dagaalo culus oo goor dhow ka qarxay degaanka Camaara ee gobolka Mudug

Dagaal culus ayaa barqanimadii maanta ka qarxay Degaanka  Camaara ee gobolka Mudug, kaasoo dhexmaraya ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug iyo dowladda Soomaaliya iyo xoogaga Al-shabaaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu bilowday markii ciidamada DF iyo kuwa Galmudug ay weerareen degaanka Camaara oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Saraakiisha Howlgalkaan Hogaaminaysa ayaa sheegaya in ciidamada ay ku hareereysan yihiin Deegaankaasi iyo Degaano ka ag dhow, uua ka socdo dagaal culus.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Daraawiishta Galmudug iyo Ciidamo uu hogaaminayo Saadaq Joon oo isgarabsanaya ayaa Muda Todobaad ka badan waxa ay Alshabaab Dagaalo Culus kula galeen degaano ka tirsan Gobolka Mudug. iyagoo kala wareegay degaano muhiim ah.

Saraakiisha ayaa sheegay iney sii wadi doonaan howlgalada ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ee looga saarayo degaanada dowlad goboleedka Galmudug ka hor inta aysan bilaaban doorashooyinka xildhibaanada Aqal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -