Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Muqdisho kula kulmay Mr. Hugh Riddell (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), ku-xigeenka Maaliyadda iyo Xog-hayaha gobolka ayaa kulan la qaatay madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr. Hugh Riddell. Waxana ay ka wada hadleen wada-shaqeynta iyo iskaashi ka dhexeeya hay’adda iyo maamulka gobolka sidii loo xoojin lahaa.

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr. Hugh Riddell ayaa boggaadiyey maamulka cusub, isagoona uga mahadceliyey maamulkii hore in si nabad ah oo dimoqoraadi ah ay xilka u wareejiyeen, tani oo cadeynaysa in dadka Soomaaliyeed u bislaadeen adkeynta dawladnimada. Mr Riddell ayaa balan-qaaday inuu sii xoojin doono taageerada uu bangigu siiyo maamulka gobolka Benaadir si loo hirgeliyo adeeg bulsho oo dhameystiran.

“Waxaa naga go’an horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo dhismaha hay’adaha dawladda hoose ee Xamar. Bangiga Adduunku wuxuu mashaariic ka fulin doonaa magaalooyinka waaweyn ee dalka oo ugu horeyso Muqdisho, si ay dadku u helaan adeegyada bulsho ee ay u baahan yihiin, waxana ka wada shaqeynaynaa kobcinta ilaha dhaqaale, federaaleynta, yareynta saboolnimada iyo in la xaqiijiyo mashaariicdu iney gaareen meelihii loo qorsheeyey”. Ayuu yiri Madaxa Bangiga Adduunka oo intaas ku daray muhiimadda ay leedahay in dadka Muqdisho ay maamulka kala shaqeeyaan bixinta canshuuraha si loo gaaro horumar iyo isku filnaasho.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in maamulkiisu ay ka go’an tahay isla-xisaabtan iyo daah-furnaan, iyadoo wax walba lagu bixin doono nidaam cad oo la isla wada ogol-yahay, si meesha looga saaro wax walba oo keeni kara musuq-maasuq iyo in hantida ummadda ay ku dhacdo gacmo kale.

“Maamulka gobolka Banaadir, waxaa ka go’an horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee meesha ka baxay. Shacabka ku dhaqanka magaalada Muqdisho waxaan ka filaynaa inay bixiyaan canshuuraha, anagana wax muuqda ugu qabano canshuurta ay bixiyaan, tani oo qeyb ka ah qorshaheena isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta”. Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, ayaa sheegay in maamulkiisa diyaar u yahay sii xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee kala dhexeeya Bangiga adduunka, isla markaana waxa uu ku boorriyey in la dar-dar geliyo adkaynta xiriirkaasi wada shaqayneed ee ka dhexeeya, si loo gaaro yoolka la higsanaayo ee ah Soomaaliya horumarsan oo isku filan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -