Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga soo xulaya ergada dooraneysa shan kursi oo midkood muran ka jiro oo lasoo bandhigay

Guddiga doorashada beelaha Banaadiriga ayaa soo saaray liiska odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa shan kursi oo dhawaan doorashadooda lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Doorashada beelaha Banaadiriga ayaa aad uga dib dhacday doorashada kale ee ka socota magaalada Muqdisho iyo maamul goboleedyada, waxaana shantan kursi ee lasoo saaray guddiga xulaya noqonayaan kuwii ugu horeeyay ee kuraasta Banaadiriga ee la doorto.

Kuraasta lasoo bandhigay guddiga soo xulaya ergada dooraneysa waxaa ku jira kursiga HOP034 oo laheyd beesha Reer Faqi, balse sanadkan laga wareejiyay sida ay xuseen lan asiiyay dad kale iyadda oo loo awood sheeganayo.

Sida aan xogta ku helnay kursigan waxaa kusoo baxaya sanadkan oo loo xiray Safiirka Pakistan ee Soomaaliya Khadiija Al-Makhzoum oo ah xaaska Madaxweynihii hore ee Galmudug hadadan ah Musharax Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Odayaasha iyo dhalinyarada beesha reer Faqi oo shalay banaan bax ka dhigay Muqdisho ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble kursigooda u boobay gabar dumaashidiis ah aan u dhalan beeshooda ayna tirsanayaan caddaalad daro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=s6n9zI19XO8

Related posts

Ajaaniib lagu weeraray magaalada Berbera iyo Khasaaro ka dhashay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Akhriso) Magacyada & qabiilada raggii maalmo ka hor isku qarxiyey Aw-Dheegle

Caydiid Ali

Daawo:-Dhoola-tus Ciidan oo Cajiib ah uu sameeyay Axmed Madoowe inta uu kasoo bixin Kismaayo !!

admin
Taboola Ads ---