Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed oo geeriyooday

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. C/wali Jaamac Gorod ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii, eheladii, Asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar oo ku geeriyooday Dalka Ingiriiska.

Jen. Gorod ayaa Alle uga baryey Marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, wuxuuna Eheladii, Asxaabtii iyo qaraabadii uu ka tagay Rabbi ugu baryay inuu samir iyo iimaan ballaaran ka siiyo.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Meydka Marxuumka la keenayo magaaladda Muqdisho, si aas Qaran loogu sameeyo.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa tacsi u diray Qoyskii, Eheladii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah u naxariistee Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -