Daawo Sawirada: Isbitaalka Xaawo Cabdi oo xusey Sannad Guuradii 47-aad  ee Aas-Aaaskii Isbitaalka

Munaasabad lagu Xusayey Sannad Guuradii 47 –aad ee ka soo wareegtey markii laaas aasay Isbitaalka Drs Xaawa Cabdi ayaa  lagu qabtey Magaalada Muqdisho , waxaana Munaasbadaas ka qayb galey marti sharaf kala duwan sida Xildhibaano, Raiisul Wasaare Hore, Wasiiro, Bulshada rayidka, Rugta Ganacsiga, Dhaqaatiir isugu jirtey Ajnabi iyo Soomaali iyo Marti  Sharaf kale.

Ugu Horeyn Waxaa Warbixin ku saabsan Isbitaalka Drs Xaawo Cabdi iyo maraxalidihii uu soo maray ka sheekeysay Madaxweynaha Isbitaalka  Drs Aamina aadan Maxamed oo sheegtay in Isbitaalka uu soo marey mar xalado kala duwan oo uu Dalka iyo Dadka wax ugu soo qabtay  taasi oo dad badan oo Soomaliyeed ay ku xasuusteena howlihii Samafal ee uu Isbitaalka fidin jiray, Drs Aamina ayaa sidoo kale sheegtay in Isbitaalka xiligan lagu soo Kordhiyey Qalab casri ah oo lagula tacaalayo Xanuunada aan Dalka waxba looga qaban Karin iyadoo la siticmaalaya Dhaqaatiir Ajaanib ah.

Waxaa kaloo Munaasabadaas ka Hadley Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa Mahadcelin ka dib  sheegey in Drs Xaawo Cabdi ay Dalkaan u soo qabatey Howlo Samafal sidaa darteedna ay tahay wax lagu farxo ah in Caruurteeda ay halkaas ka sii wadaan Howshii Bani’aadanimo ee ay u hayeen Bulshada Soomaaliyeed.

Xubnhii kale ee ka Hadley Munaasabada lagu Xusayey Sannad guurada 47 aad ee Isbitaalka Drs Xaawo Cabdi ayaa waxaa ka mid ahaa  Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdulaahi Xayir Maareeye oo  sheegey in aad ugu faraxsan yahay in uu ka soo       qayb galo Munaasbadaan  isagoo Hoosta ka xariiqey in Dalka ay jiraan Caruur fara badan oo uu sheegey in aan Dalka waxba looga qaban karin kuwaasi oo u baahan in loo gargaaro isagoo Isbitaalka ka Codsadey in ay kala qayb qaataan sidii Caruurtaas loo  badbaadin lahaa .

Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo ka hadashey  Xafladaas ayaa waxay u Mahadcelisey  Drs  Xaawo Cabdi oo ay sheegtey in Waqti adag u soo shaqeeyesey sida darteed  waxay ugu baaqdey Haweenka Soomaaliyeed in ay ku daydaan Drs Xaawo Cabdi iyadoo ugu baaqdey Gabdaheed in ay halkaas ka sii wadaan Howshii Hooyadood.

Cabdirashiid Caynaanshe oo ah Gudoomiye ku Xigeenka Rugta Ganacsiga  oo ka Hadley Munaasabadaas  ayaa u Mahadceliyey intii isku soo dubaridey Munaasbadaan  isagoo halkaas ka balan qaadey in Rugta Ganacsiga ay ka qayb qaadaneyso  sidii  loo Caawin lahaa dadka la Il daran Xanuunada kala duwan.

Ugu Dambeyn waxaa Munaasabadaas lagu Xusayey Sannadguurada 47-aad ka Hadley  Raiisul Wasaarihii hore  Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa uu sheegey in Markii uu dhiganayey Jaamacadda Ummada uu caafimaad ahaan u tagi jirey Isbitaalka  Xaawo Cabdi  sidaa darteed aad baan u soo dhaweeynayaa in halkii laga sii wado Adeedgyadii Isbitaalka uu u hayey Bulshada Soomaaliyeed .

ugu dambeyn waxaa Munaasbadaas lagu xusayey Sannad guurada 47-aad ka hadley qaar ka mid ah Dhaqaatiirta Ajaanibta ee ka howlgalaya  Isbitaalka sidoo kale  waxaa Shahaadooyin  iyo abaalmarino  kala duwan lagu gudoonsiiyey Duqa Magaalada Muqdisho sidoo kale isna waxaa uu shahaado Sharaf gudoonsiiyey Madaxweynaha Isbitaalka Drs Aamina Aadan Maxamed , waxaa iyana Shahaadooyin la gudoonsiiyey  Shaqaalhii mudadii dheer ka shaqeeynayey Isbitaalka kuwa oo u soo dhabar adeygey xaaladihii kala duwanaa ee uu Isbitaalku soo marey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -