Xulka K/Cagta Puntland oo u soo baxay Final ka dib markii ay dirqi kaga badiyeen Xulka Banaadir

Xulka Kubada cagta Puntland ayaa galabta u soo baxay ciyaarta finalka ah ee tartanka dowlad goboleedyada ka dib markii ay ka badiyeen xulka gobolka Banaadir oo ciyaar semi final ah ay isaga hor yimaadeen.

Ciyaar xiise badan oo galabta labada kooxood ku dhexmartay garoonka Konis Stadium ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay labada xul soo bandhigeen ciyaar xamaasad badan, waxaana 1-0 ku badiyey Xulka Puntland.

Guuldarada Xulka gobolka Banaadir ayaa noqotay mid lamaa filaan ah, waxayna ka mid aheyd xulalka ugu adag ee loo saadaalinayey iney ku guuleysan doonaan koobka maamul goboleedyada, waana markii labaad ee xulka Puntland uu badiyo xulka gobolka Banaadir.

Sanadkii hore ayey aheyd markii xulalka Banaadir iyo Puntland ay fooda isku dareen ciyaartii finalka aheyd ee tartanka dowlad goboleedyada, waxaana koobka hantay Puntland oo sanadkana markii labaad dooneysa iney difaacato horyaalnimada tartankan.

Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Puntland gaar ahaan Garoowe, Boosaaso iyo meelo kale kuwaasoo u dabaaldegaya guusha Puntland ka gaartay ciyaarii dhexmartay iyaga xulka gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -