Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlad Carbeed oo iska diiday in xiriir Diblumaasi la yeelato maamulka Israa’iil

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Cumaan, Sayid Badar Bin Xamad Bin Xamuud Al-busaydi ayaa Wareysi uu bixiyay ku sheegay in aysan xiligan diyaar u aheyn in xiriir la yeeshaan Maamulka Isra’iil.
 
“Marnaba, Cumaan ma noqon doonto dalka saddexaad ee Gacanka Carbeed ee Xiriirka Diplomasi la yeeshay Israel” ayuu yiri Wasiirka oo wax laga weydiiyey Wicitaan uu dhawaan la yeeshay dhigiisa Israel, Yair Lapid.
 
Waxa uu hadalkaasi kaga jawaabay war ay Warbaahinta Dowladda Cumaan bishii hore ku shaacisay Wada-hadalka Telefoon ee labada Wasiir Arrimo Dibedeed ee Cumaan iyo Israel dhex maray.
 
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Cumaan Sayid Badar Bin Xamad Bin Xamuud Al-busaydi waxa uu tilmaamay inuu dalkiisa taageersan yahay Xaqiijinta Nabad waarta oo caddaalad ah, isla markaana asaas looga dhigo xalka Labada Dowladood ee Qaddiyada Falastiin iyo Israel.
 
Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyey inay arrintaasi tahay Ikhtiyaarka ama xulashada keliya ee lagu xalin karo arrintaasi.
 
“Waxaan taageeraynaa Xuquuqda Sharciga ee dadka Reer Falastiin leeyihiin, waxaana xushmeyn doonaa Go’aanadda Madax-banaanida Dowladaha, iyagana waxaan ka rajeynaynaa inay xushmeeyaan Go’aanadeena madaxa-banaan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Cumaan oo Wareysi siiyey Wargeyska Asharq Al-Awsat.
W/Q Ustaad Nuurdaiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Imaaraadka Carabta oo hanjabaad culus hawada loo mariyay

Cabdi Cade

War cusub oo kasoo kordhay Xiisadii u dhaxeesay Imaaraadka iyo Sacuudiga

Cabdi Cade

Shir looga hadlayay Dhismaha Wado Muhiim ah oo ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---