Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Imaaraadka Carabta oo hanjabaad culus hawada loo mariyay

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa hanjabaad culus hawada u marisay dowlada Imaaraadka Carabta oo ciidamo badan ka joogaan dalka Yemen dagaalka kula jirta kooxda Shiicada ee Xuuthiyiinta.

Afhayeenka Militariga ee Xuuthiyiinta Yehia Sarea oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in iyagu fuliyeen weerarkii lagu qaaday xarumaha shidaalka ee dalka Sacuudiga, waxa uuna markan hanjabaad culus u diray Imaraadka oo kamid ah xulufada Sacuudiga.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in awood u leeyihiin in ay duqeeyaan magaalooyinka fog fog ee Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxa uuna fariin cabsi galin ah u diray shacabka iyo dowlada Imaaraadka Carabta.

Afhayeenka milatariga Xuutiyiinta ayaa sheegay in weerarka Sacuudiga kadib in hada isha ku hayaan daaraha dhaa dheer ee kuyaala magaalooyinka Dubai iyo Abu Dhabi, waxa uuna ugu baaqay Imaaraadka in ciidankooda kala baxaan dalka Yemen.

”Goobo badan oo ku yaal magaalooyinka Dubai iyo Abu Dhabi ayaan isha hada ku heynaa,waxaana u sheegaynaa dowlada Imaaraatiga inay isaga baxdo dagaalka Yemen, hadii kale ha ogaadaan Daaraha Dhaadheer ee dhalada ka sameysan ma xamili karaan weerar hal Drone ah” ayuu yiri Yehia Sarea.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegatay masuuliyada weerar saameyn badan ku reebay dowlada Sacuudiga oo sabtidii lagu qaaday labo xarun oo kuwa shidaalka laga soo saaro, waxaana weerarkan loo adeegsaday diyaarado nuuca ana duuliyaha laheyn oo gantaalo lagu rakibay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nidaam Federaal oo ay Dowladda Dhexe Hoggaamineyso Ma Hirgeli Karaa ?

Cabdi Cade

(Sawirro) Muxuu yahay Mashruca cusub ee RW Xamse ka daahfuray Muqdisho?

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo shaaciyay in hubkii dowlada geesay Gedo gacanta u galay Al Shabaab

Cabdi Cade