Xaaska Madaxweynihii Haiti oo ka Sheekeesay sida uu u dhacay Dilka Seygeeda

Koox calooshood u shaqeestayaal u badnaa askar hore oo katirsanaa ciidanka Colmbia ayaa 7-dii bishan July gurigiisa ku dhax dilay Madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moïse halka xaaskiisana ay dhaawaceen.

Xaaska Madaxweynaha la dilay Martine Moïse, oo lagu daaweenayo isbitaal kuyaala dalka Mareykanka ayaa cod ay soo duubtay uga sheekeesay sida uu u dhacay dilkii loo geestay Seygeeda xili ay gurigooda joogeen.

Martine Moïse, ayaa sheegtay in weerarka lagu soo qaaday u dhacay si deg deg ah, waxa ayna tilmaantay in seygeeda xitaa fursad aan loo siin in hal erey ku yiraahdo kooxda weerarka kusoo qaaday kuwaa oo rasaas xoogan la dhacay.

“Muddo ilbiriqsi ah, ayay calooshood u shaqeystayaal gurigeyga soo galeen, waxayna ninkayga ku rideen rasaas, Ficilkani ma lahan magac sababtoo ah waa inaad noqotaa dambiile aan xad lahayn marka aad dilayso madaxweyne sida Jovenel Moïse, adigoon xitaa fursad u siinin inuu hal eray dhaho, ayey tiri xaaska Madaxweynaha la dilay.

Waxa ay sheegtay Martine Moïse, in seygeeda loo dilay arin siyaasadeed gaar ahaan qorshihiisa ku aadanaa wax ka bedelka Dastuurka dalka Haiti si loo kordhiyo awooda Madaxweynaha Haiti.

“Waxay doonayaan inay dilaan riyada madaxweynaha, aan ooyayaa, waa run, laakiin ma oggolaan karno in waddanku ka lumo waddadii uu hayay,” ayay raacisay. “Ma ogolaan karno in dhiiga Madaxweynaha Jovenel Moïse, ninkeyga, madaxweynaheena aan aadka u ujecleyn oo isna na jeclaa, uu u daato wax aan micno lahayn.”Ayey tiri Martine Moïse.

Ciidamada amaanka dalka Haiti ayaa inta badan gacanta ku dhigay kooxdii ka dambeesay dilka Madaxweynaha oo ka koobnaa 28-nin oo ahaa askar hore oo howlgab ah si calooshood u shaqeestanima u shaqeenayay kuwaa dhaqaale kusoo qaatay dilka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -