Kooxda Taliban oo awood cusub lasoo baxday lana wareegtay magaalooyin cusub

Dagaalyahanada kooxda Taliban ee dalka Afgaanistan ayaa la wareegay magaalooyin hor leh oo kuyaala dalkaasi, kadib markii awood u sheegteen ciidamada dowlada ee ku sugnaa magaalooyinkaasi.

Taliban ayaa la wareegtay marinada waa weyn ee xadka Afgaanistan la wadaagto wadamada Iran iyo Turkmenistan , waxaana hada magaalooyinkaasi kuyaala Xuduuda Afganistan gacanta ku haya kooxda Taliban.

War kasoo baxay kooxda Taliban ayey ku sheegtay in ay awood kula wareegeen magaalooyinka Islam Qala oo u dhaw xadka dalka Iran, iyo magaalada Torghundi oo ku taala xadka dalka Turkmenistan.

Dowlada Afganistan ayaa qiratay in ciidankooda lagala wareegay magaalooyinkan kuyaala gobolka Herat, waxa ayna dowlada sheegtay in ay wado abaabul ay ku dooneyso in ay dib kula wareegto magaalooyinka laga qabsaday.

Kooxda Taliban ayaa awood dheeraad ah lasoo baxday markii dowlada Mareykanka ciidankeeda kala baxday dalka Afgaanistan, Taliban ayaana dooneysa in ay la wareegto goobo badan oo hada gacanta dowlada Afganistan ku jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -