Ogow Talaabo uu Trump ku muteesan karo Ciqaab iyo Cambaareyn hadii uu Iran ka qaado !

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la kulmaya cambaareyn sii kordheysa oo ku saabsan hanjabaaddii uu ku sheegay inuu weerari doono xarumaha dhaqanka ee dalka Iiraan.

Mr Trump ayaa hanjabaaddaas jeediyay ka dib markii ay xiisad ka dhalatay duqeyntii ay Mareykanka ku dileen taliyihii u dhashay Iiraan ee lagu magacaabi jiray Qasem Soleimani.

Madaxweyna ayaa sheegay in xarumaha dhaqanka ay ka mid yihiin 52 goobood oo uu Mareykanku ka calaamadeystay “haddii ay Iiraan waxyeello gaarsiiso muwaadiniinta Mareykanka u dhashay”.

Hase ahaatee waaxda dhinaca dhaqanka u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo wasaaradda arimaha dibadda ee UK ayaa ka mid ah dhinacyada sheegay in goobaha noocaas ah aan la waxyeelleynin.

Dalalka Mareykanka iyo Iiraan ayaa wada saxiixay heshiiska Qaramada Midoobay ee ilaalinta goobaha hiddaha iyo dhaqanka, xitaa haddii uu dagaal socdo.

Sidoo kale weerarrada milatari ee ka dhanka ah xarumaha ganacsiga ayaa loo arkaa dambi dagaal, sida uu qabo sharciga caalamiga ah.

Trump ayaa ciqaab muteysan kara haddii uu tallaabo noocaas ah ka qaado Iiraan. Madaxweyneyaal horay xilal u soo qabtay ayaa la hor geeyay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka, iyagoo loo heysto dambiyo ay galeen oo ka soo horjeeday xeerarka dagaal ee caalamiga ah.

Walaac xoogan ayaa laga muujinayaa in dilkii Qasem Soleimani uu sababo dagaal ka dhex qarxa Iiraan iyo Mareykanka.

Soleimani, oo taageero weyn ka heystay dowladda iyo Shacabka reer Iiraan ayaa Jimcadii lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku ka fuliyeen magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq. Dilkiisu wuxuu huriyay xiisad ka taagan gobolka bariga dhexe, iyadoo Iiraan ay ku hanjabtay “inay aargudasho weyn ka sameyn doonto arrintaas”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -