Allbanaadir.com
NEWS

Xubin sare oo katirsan Al Shabaab oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirada)

Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgal qorsheesan oo ka dhacay Degmada Howl Wadaag ee gobolka Banaadir lagu soo qabtay xubin sare oo katirsan Al Shabaab.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Twitterka ku leedahay Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka qabteen xubin sare oo kamid ah Warbaahinta Al-Shabaab, una qaabilsanaa baahinta ficilladooda gurracan.

“NISA ayaa Deg. Howlwadaag ee magaalada Mugdisho kasoo qabatay xubin sare oo kamid ah Warbaahinta AS, una qaabilsanaa baahinta ficilladooda gurracan ayaa lagu yiri Warka Hay’adda NISA faafisay.

Hay’ada Nabad sugida Soomaaliya sma haacin magaca ninkan ay sheegeen in uu katirsanaa Warbaahinta Al Shabaab , sidoo kale Hay’ada Nabad Sugida ayaana sheegin xiliga uu dhacay howlgalka ninkan lagu soo qabtay.

Related posts

Xildhibaan si adag uga hadlay odayaal iyo ganacsto lagu xiray Gaalkacyo

Cabdi Cade

Catriona Laing oo Golaha amaanka ee Q/Midoobay warbixin ka siisay xaalada Somalia

Caydiid Ali

Xildhibaanno kutlad cusub uga dhawaaqay Muqdisho kana soo horjeestay heshiiskii…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---