Hanjabaad loo diray Odayaal u doodayay Dhalinyaro Puntland Xukun dil ah ku riday

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hanjabaad adag hawada u mariyay Odayaal ku sugan magaalada Muqdisho oo dhawaan cadaalad daro ku tilmaamay xukun dil ah oo Maxkamada ciidamada Puntland ku riday dhalinyaro kasoo jeeda beesha Murusade.

Gudoomiye kuxigeenka Amniga maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa sheegay in uu dhakafaar ka qaaday kadib markii uu arkay Odayaal Muqdisho jooga uu tilmaamay in ay difaacayaan dad uu dambiilayaal ku tilmaamay.

”Waxaa dhakafaar igu noqotay inaan maanta Telefeshinada ka daawaday dad jooga gobolka Banaadir oo u doodaya Dambiilayaashii qiraalkooda iyo caddemahooda lagu xukamay” ayuu yiri Cali Yare.

Masuulkan katirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay la xisaabtamayaan Odayaasha uu sheegay in ay difaacayaan Al Shabaab, waxa uuna ku goodiyay in aysan Muqdisho wada joogi doonin isaga iyo dad Al Shabaab difaacaya.

”Waa wax aan dhici karin inaan gobolka Banaadir wada joogno annaga iyo qof si dadban oo aan qarsoodi laheyn Idaacadaga ugu doodaya cadowga Shabaab waana la xisaabtameynaa dadkaas.” ayuu yiri Cali Yare.

Hanjabaadan kasoo yeertay Cali Yare ayaa kusoo aadeysa xili Odayaasha dhalinyarada Puntland ku xirtay sheegeen in dhalinyarada la xukumay la ciqaabay laguna qasbay in ay qirtaan in  Al Shabaab katirsan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -