Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Madaxweynaha Hirshabelle oo lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Nadaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maalmihii lasoo dhaafay safar ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo xubno kale oo katirsan maamulka Hirshabelle ayaa kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Cali Guudlaawe iyo xubnihii la socday.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaan goobjoog ka aheyn shirkii Wadatashiga ee dhaweaan kusoo dhamaaay magaalada Muqdisho, waxa uuna shirkaasi uga qeyb galay Cali Guudlaawe aalada fogaan araga ee Zoom.

Magaalada Muqdisho inta uu joogo Madaxweynaha Hirshabelle ayuu kulamo la qaadan doonaa madaxda dowlada iyo musharaxiinta Madaxweynaha qaarkood ay kawada hadli doonaan hirgalinta doorashada iyo arimo kale,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Musharixiinta oo si kulul uga hadlay fashilka shirkii Afisiyooni (Akhriso)

Caydiid Ali

Bal Soomaaliyeey nala arka cadaalad daradan loo turbaan tumayo !!!

Cabdi Cade

Nin la sheegay inuu Ganacsade ku dilay Magaalada Boosaaso oo la soo qabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---