Nin la sheegay inuu Ganacsade ku dilay Magaalada Boosaaso oo la soo qabtay

Saraakiisha amniga Puntland ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay nin habeen ka hor magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku dilay Ganacsade xisaabiye ka ahaa shirkad  ganacsi oo lagu magacaabo Horseed.

Taliyaha Booliska Puntland Jen. Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in qabashada ninkan ay ka dambeysay ka dib howlgal ay Boolisku ka sameeyeen Magaalada, kaasoo suuragaliyey buu yiri inay gacanta ku soo dhigaan ninkan oo uu sheegay inuu ka mid ahaa rag lala xiriirinayo dilka Ganacsadaha oo illaa hadda aysan jirin cid sheegatay.

Jen. Muxudiin Axmed Muuse ayaa intaas ku daray inay sidoo kale qabteen qorigii loo adeegsaday dilka ganacsadahan oo magaciisa la oran jiray Salaad Cukaash.

“Dadka dilalka ka geysta Magaalada Boosaaso waaa Shabaab waxay galaan oo gabaad ka dhigtaan goobaha Waxbarashada sida Jaamacadaha, Machadyada iyo iskuulada balse meel kasta oo ay galaan waanu soo qaban doonnaa” ayuu yiri Jen. Muxudiin Axmed Muuse.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -