Bulshada Soomaaliyeed oo si weyn usoo dhaweeyay Musharax Madaxweyne Ablaal (Sawirro)

Abdiraxmaan Macalin Axmed (Ablaal) ayaa  kaga dhawaaqay Muqdisho inuu musharrax u yahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Munaasabad ay ka soo qeyb-galeen boqolaal dad ka kooban qeybaha bulshada ayuu Mr. Ablaal ka sheegay inuu dalku u baahan yahay hoggaamin ku saleysan faham, daacadnimo, wadar-ogol, iyo inuu hoggaamiyuhu ka hormariyo dantiisa gaarka ah midda qaranka.

“Ma dooneyno isbeddel uu qofi qof beddelayo ee waxaan dooneynaa isbeddel ku saleysan hoggaamin suubban, oo danta qaranka lagu salleeyey” ayuu yiri Musharrax Abalaal. “Muddo 35 sano ka badan ayaan dalka u soo shaqeeneynay, waliba xili ay adkeed inaan ubadkeenna waxbarno ayaan ku dhiiranay, waana ku guuleysanna, sidaas oo kalena waan u guuleysan karnaa inaan dalka hagaajinno haddaan hoggaan wanaagsan helno.

Ablaal waxa uu sheegay in sida jirka bini’aadamku isugu xiran yahay, oo haddii madaxu xanuuno uu jirkoo dhami wada xanuunsanayo, ay shacabka iyo hoggaankooduna isugu xiran yihiin. “Hoggaan La’aan Waa Habaar, waana Halaag” ayuu yiri Musharrax Ablaal. Waxa uu sheegay inuu farqi weyn u dhaxeeyo “hoggaamiye iyo hoggaan”. “Waxa uu dalkeennu u dhibaatoonayo ma ahan hoggaamiye la’aan ee waa hoggaan la’aan” ayuu yiri Abaal.

Musharraxu waxa uu si faahfaahsan u dhex jibaaxay dhibaatada dalka iyo dadkiisa haysata, sida nabad iyo amni la’aanta, cadaalad darrada, siyaasad xumida, kala qeybsanaanta, nacaybka, is aaminid la’aanta, dhaqaala yarida, xuquuqul insaanka, dastuurka qabyada ah, la’aanta kaabayaal caafimaadka, waxbarashada casriga ah oo maqan iwm.

Cabdiraxmaan Macalin Axmed (Ablaal) waxa uu sheegay in dhibaatooyinkaas oo dhan looga bixi karo marka ay dhamaato xiisadda ka taagan hoggaan la’aanta. “Tusaale, amniga in la sugo uma baahno uun askari iyo qori ee waxay u baahan tahay kaabayaal badan oo ay ka mid tahay in ruuxda dadka la dhiso, lana tuso in dowladladnimada la wada leeyahay ee aysan cid gaar ah lahayn” ayuu yiri Ablaal.

Dadkii munaasabadda ka soo qeyb-galay waxay sheegeen inuu Ablaal dalka iyo dadka gashtay abaal weyn. Waxay isaga marqaati kacayn in waqti uu dalku galay mugdi – illaa la helay dowladnimada yar ee hadda jirta – uu Ablaal u babac-dhigay inuu ubadka Soomaaliyeed waxbaro, kuwaas oo maanta laf-dhabar u ah bulshada Soomaaliyeed.

Waxay ku tilmaameen inuu yahay nin aqoon iyo karti badan, dal iyo dad yaqaan ah, mudadii burburka la soo qeybsaday qaranka daruufihii uu soo maray oo dhan oo waa xog-ogaal fiican, islamarkaana waa qof ku sifeysan dad isku wad, dulqaad iyo waddaniyad.

 

- Advertisement -