Burcad hubeesan oo dhac ka geesanayay Muqdisho oo la qabtay (Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska oo howlgal ka sameeyay degmada Kaaraan gaar ahaan xaafada Jamhuuriyada ayaa waxa ay kusoo qabteen koox burcad hubeesan ah oo dhac ka geesanayay xaafadaasi.

Burcadan oo labo gaareysay ayaa watay qorayga AK-47 iyo mooto bajaaj, waxaana maamulka degmada Kaaraan sheegay in ragan markii lasoo qabanayay ku howlanaayeen fal dhac ah ay u geesanayeen shacab.

Booliiska ayaa burcadan hubeesan ee lasoo qabtay ku wareejiyay xarunta dambi baraista ee CID, waxaana la filayaa burcadan iyo kuwa kale oo horey u xirnaa in maxkamad lasoo taago laguna rido xukuno.

Ciidamada amaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgalada ka dhanka ah burcada hubeesan ee kusoo batay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Kaaraan oo ah halka ugu daran ee burcada shacabka ku dhibaateeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -