Diyaaradaha dagaalka Israa’iil , ayaa wali wada duqeymo culus ay ku garaacayaan bartilmaameedyo kuyaalla magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran iyo magaalooyin kale oo ay ku yaallaan xarumo muhiim ah.
Duqeyn gantaal ayaa ku dhacday mid ka mid ah guryaha Ayatollah Cali Khamenei, waxaana gurigan la duqeeyay la sheegay in ay degnaayeen qaar ka mid ah la taliyayaashiisa sare, iyo xubno kale oo aad ugu dhaw dhaw hoggaamiyaha Ruuxiga ee dalka Iran.
Dhinaca kale Esmail Qaani, oo ah taliyaha ciidanka ilaalada kacaanka dibadda ee Quds oo ah ciidanka dhisa , isla markaana taageera kooxaha Iran ee bariga dhexe, ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Israa’iil ka fulisay gudaha Iran.
Wargeyska dalka Mareykanka ka soo baxa ee New York Times oo xiganaya ilo uu ku kalsoonaan karo, ayaa baahiyay in duqeyn lagu dilay Email Qaani oo kamid ah saraakiisha sar sare ee ilaalada kacaanka ee dalka Iran.
Sargaalkan la sheegay in la dilay , ayaa horey xilkan uga beddelay Qasem Soleimani oo diyaaradaha dagaalka Mareykanka duqeyn dhinaca cirka ah ugu dileen sannadkii 2020-kii , waxa uuna dilka Esmail Qaani mar kale niyad jab ku noqonayaa dowladda Iran.