Maxbuus dil ku xukunaa oo si layaab leh uga baxsaday Xabsi kuyaala Puntland

Taliska ciidamada Asluubta dowlad goboleedka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay sida uu ku baxsaday nin maxbuus ah oo ku xukunaa  dil ah kaa oo ku xirnaa xabsi kuyaala magaalada Qardho.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Dowlad Goboleedka Puntland Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi ayaa sheegay in Axmed Cabdi Jaamac oo ku xukunaa dil toogasho ah uu ka baxsaday xabsigii uu ku xirnaa xili loo waday isbitaal.

Waxa uu sheegay afhayeenka in maxbuuska oo loo qaaday isbitaal in ilaaladii xabsiga ee waday ee u geeyeen maleeshiyo beeleed ku sugnaa xaafad katirsan magaalada Qardho sidaasna maxbuuska ku baxsaday.

Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi ayaa sheegay in baxsashada ninkan dilka ku xukunaa uu ahaa shirqool ay wax ka maleegeen saraakiishii iyo askartii loo xil saaray in isbitaal u kaxeeyaan kuna soo daweeyaan.

“Xukumane Axmed Cabdi Jaamac oo u xirnaa dil toogasho ah ayaa arrimo caafimaad loogu qaaday Isbitaalka guud si loo daweeyo, saraakiil ayaa loo xilsaaray howshaas balse way la garab mareen oo afka ayay la galeen ciidan hubeysan oo u diyaarsanaa, markii aan baaris dheer sameynay waxaa inoo caddaatay in dayacaad la sameeyay” ayuu yiri afhayeenka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale cadeeyay in la xiray saraakiil iyo askartii loo xil saaray in maxbuuska soo daweeyaan, waxa uuna xusay in mid kamid ah ilaalada xabsiga uu la baxsaday ninka maxbuuska ahaa ee xabsiga ka baxsaday.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -