Prof. Saciid Ciise: “Madaxda dowlad goboleedyadu dan kama leh midnimada dalka”

Waxaa jira maamul goboleedyo doonaya iney xukumaan madaxtooyada dowladda dhexe oo nidaamka federaalka u haysta hub ay uga madaxbanaan yihiin awooda madaxda sare ee dalka. Maamulladaas dan kama hayso midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed haddii aysan heleyn in loo yeelo sida ay rabaan, waxeyna rabaan iney heshiis kula galaan madaxda dowladda dhexe iney qaataan awoodahooda sida, iney geli karaan heshiisyo caalami ah; iney sameysan karaan ciidamo milateri, iney soo daabacan karaan lacag, iyo iney qaataan canshuurta ay xaqa u leedahay dowladda dhexe iyo weliba in la siiyo saamiga ugu weyn ee deeqaha dalka dibeda uga yimaada.

Madaxda dowladda dhexe waxaa ku socda iskudayo tijaabo ah oo lagu hoos geynayo awoodahooda sidii ay ugu rukuuci lahayd sareynta awooda maamul goboleedyada, taasoo ka turjumeysa in madaxda dowladda dhexe aysan awoodi doonin iney soo farageliyaan maamul xumada dowlad goboleedyada, kuwaasoo qasadkoodu yahay iney tacadiyo ka geystaan doorashooyinka degaanka iyo midka guud oo ay fursad ugu helaan iney ka yeelaan sida ay rabaan oo ay ku jirto dantooda shaqsiyadeed.

Madaxda maamul goboleedyada midna ma doonayo inuu xukunka si nabada oo dimoqaraadiya uu ku wareejiyo, waxayna dhamaantood wada rabaan muddo kororsi uu ku xigo xukun marooqsi.

Madaxda sare ee dalka waxaa la gudboon iney qaado tilaabooyin sharciya oo lagu xoojinayo isku haynta midnimada dalka, loogana hortegayo madaxda maamul goboleedyada hamiga ay ku doonayaan in hogaaminta dalka ay awood buuxda ku yeeshaan oo tilaabo kasta oo la qaadayo dalabka ogolaanshahooda lagu tixgeliyo.

Madaxda maamul goboleedyadu sida ay rabaan ayey u soo dhistaan maamulka dowlad goboleedyadooda iyadoon lagu faragelin arrimahooda u gaarka ah, laakiin taas bedelkeeda waxey damac waalan ku rabaan iney hogaanka u qabtaan maamulka dowladda dhexe oo ay ku doonayaan xilalka ay magacaabayaan madaxda dowladda dhexe in iyaga looga amar qaato oo ay iyagu soo xulaan, taasoo ay ku doonayaan iney xubnahaas u adeegsadaan iney ku carqaladeeyaan madaxda dowladda dhexe haddii ay u hogaansami waayaan dalabaadkooda maaliyadeed iyo kuwooda siyaasadeed.

Waxaan la hureyn waa in laga hortago damacaas waalan, lana joojiyo xadgudubyada ay madaxda maamul goboleedyadu kula ka cayaan awoodaha sare ee dowladda dhexe, taas oo tilmaameysa in laga horjoogsado mudo kororsiga ay isku sameynayaan. Marka la sameynayo mudo kordhin dastuuriya, mudo kordhintaas waxey ansax noqoneysaa kadib marka uu dhamaado mudo xileedka oo la galo doorasho xora oo xalaala, markaas ayey cida guuleysata ay mudo kordhinta la jaanqaadeysaa, waxaana sidaas looga hortegayaa in xilhayuhu uu isagu sameeyo mudo kororsi.

Waxaa kale oo aan laga fursaneyn in madaxda maamul goboleedyada laga horistaago xiriirada ay la sameysanayaan wadamada deriska afrikaanka ah iyo deris xigeenka ah wadamada Carabta, taasoo haddii aan laga hortegin horseedeysa faragelinta arrimaha gudaha dalka iyo xoojinta xasaradaha u dhexeeya madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda sare ee dowladda dhexe.

Sidoo kale in madaxda maamul goboleedyada magacyada xilalkooda lagu bedelo kuwo ka hooseeya magacyada madaxda dowladda dhexe, kuwaasoo ah iney yihiin Gofernatooreyaal awoodoodu ku xadidan tahay degaanadooda.

Waxaa ka fiirsasho mudan, in haddii ay dhacdo in dib loo soo celiyo Golahii Wadatashiga Qaranka, in taas ay rumeyneyso inuusan dalku lahayn hal hogaamiye oo hogaaminta dalka ay tahay xil wadareed aan lagu kala awood sareyn.

W:Q Prof. Saciid Ciise Maxamuud
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Maine, Texas, USA

- Advertisement -