Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ku baaqay in Xeryaha Milatari laga raro Dayniile (Daawo Sawirada)

Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo maanta ka hadlay Munaasabad uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha cusub ee Degmada Dayniile ayaa nasiib daro ku tilmaamay in wali degmada Dayniile ku dhax yaalaan xeryo Milatari.

Waxa uu sheegay Mustafa Dhuxulow in 17-Degmo ee gobolka Banaadir degmada kaliya ee xeryo Milatari kuyaalaa ay tahay degmada Dayniile, waxa uuna ugu baaqay Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Madaxda sare in Dayniile laga raro xeryaha milatari.

”Degmadan Dayniile yaa soo habaaray oo Milatari dhax dejiyay, waa Nasiib daro in Dayniile noqoto degmada kaliya ee Muqdisho kutaala ee Milatari degan yihiin, Wasiirkii Difaac ama Taliyihii Milatari ee lasoo magacaabo waxa uu war ka bilaa Xeryada ciidanka ee Dayniile ayaan soo kormeeray, Waxaan ugu baaqaa Gudoomiyaha Gobolka iyo Madaxda sare in Dayniile Milatariga laga saaro ” Ayuu yiri Xildhibaan Dhuxulow.

Xildhibaan Mustafa Dhuxulow ayaa sheegay in Degmada Dayniile ay dhibaato ku hayaan xeryada Milayari iyo ciidanka dhax jooga, waxa uuna cadeeyay isaga iyo Xildhibaano kalaba ka shaqeyn doonaan in Dayniile la mid noqoto degmooyinka kale ee gobolka Banaadir.

Waxa uu ugu baaqay Xildhibaanka maamulka Gobolka Banaadir in degmada Dayniile loo sameeyo ciidan booliis oo suga amaanka Degmada lagana saaro ciidanka milatariga ee Degmada iska dhax yaaca.

Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa waxa awali ku dhax yaala xeryo ay leeyihiin ciidanka Milatariga Soomaaliya, waxaana shacabka degmada mararka qaar dhibaato kala kulmaan Ciidanka MIlatariga ee degmada dhax yaaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -