Faahfaahin: Askar ku le’atay dayuurad ku burburtay Nairobi (Daawo Sawirro)

Ugu yaraan 17 askari ayaa ku geeriyooday markii diyaarad helicopter ah oo ay ugu safrayeen tababar ay ku dhacday duleedka Magaalada caasimadda ah ee Nairobi sida uu sheegay Sarkaal Boolis oo Kenyan ah.

Lix kale oo qaba dhaawacyo darran ayaa laga soo bad-baadiyey goobta diyaaradda ay ku dhacday oo ah Ole-Tepesi oo ka tirsan degmada Kajiado, sida uu sheegay sarkaalka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Militariga Kenya ayaa xaqiijiyey in dayuuradda ay dhacday, hase yeeshee ma aysan bixin faah-faahin, Qoraal kooban oo ay soo dhigeen twitter-ka ay militariga ku sheegeen in hadda uu socdo howlgal badbaadin ah.

Sarkaalka boolis ayaa sheegay in 23 askari ay saarnaayeen diyaaradda, markii ay dhacday saaka, waana shilkii ugu xumaa ee mudooyinkan ka dhaca gudaha dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -