Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo kulan gaar ah la qaatay Kate Foster (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u joogta Soomaaliya Kate Foster.

Kulanka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka dowlada Ingiriiska ayaa waxa ay uga wada hadleen xiriirka soo jireenka ee labada dalka ka dhaxeeya  iyo arrimaha doorashooyinka dalku galayo.

Kate Foster, ayaa amaantay dadaalada uu wado Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya , waxa ayna sheegtay in ay taageerayaan xasiloonida Soomaaliya iyo sidii dalka uga dhici laheyd doorasho hufan oo xor iyo xalaal.

Ra’isul Wasaare Rooble oo kulamo kala duwan la qaatay wakiilada beesha caalamka maalmihii lasoo dhaafay ayaa ka codsanayay in ay taageeraan qabsoomida dooarshada ayna bixiyaan lacagihii doorashada socodsiinteeda ay horey u balan qaadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuul goordhaw lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Baarlamanka DF oo ansixiyey sharci Muhiim ah oo muddo badan hor yaalay (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo kasoo guuraya Dhuusomareeb saldhigna ka dhiganaya Maxaas kaddib heshiis uu…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---