Miltariga Soomaaliya oo howlgal ku dilay Dagaalyahano katirsan Al Shabaab (Sawirro)

Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee ku sugan degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa dagaal adag la galay dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidanka milatariga ku leeyihiin degmadaasi.

Afhayeen u hadlay milatariga Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta afka dowlada ku hadasha in Al Shabaab xalay sadex jeer isku dayeen in ay weerar kusoo qaadaan saldhigyo ciidanka milatariga ku leeyihiin Diinsoor.

Waxa uu sheegay afhayeenka in ciidamada milatariga Soomaaliya fashiliyeen weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen ayna dileen 24-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab sidoo kale tiro kale ay weerarka ku dhaawaceen.

Milatariga Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen in ay uga qabsadeen hub , waxa ayna xuseen in ay socdaan howlgalo lagu sii baacsanayo dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka kusoo qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -