Shirkadda TikTok oo fashilisay qorshe looga mamnuuci rabay dalka Kenya

Madaxa TikTok Shou Zi Chew ayaa kulan dhanka internetka ah la qaatay madaxweynaha Kenya wuxayna isku raaceen in Tiktok uu la socon doono waxyaabaha ka jira dalka Bariga Afrika.

Waxaa kaloo la isku raacay in TikTok oo ay leedahay shirkadda Shiinaha ee ByteDance ay xafiis ka sameysato Kenya.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in howlgallada shirkadda TikTok ee gobolka halkaa laga maamuli doono.

Heshiiska ayaa imaanaya todobaad kadib markii xildhibaanada baarlamanka Kenya ay ka hadleen soo jeedin lagu mamnuucayo TikTok.

Waxay ku doodayeen in bartan ay ku jiraan muuqaalo anshaxa xumo ah iyo kuwo muujinaya rabshado iyo hadalo nacayb ka dhex abuuraya bulshada.

 

 

- Advertisement -