Faahfaahin: Booliska Kenya oo saddex Soomaali ah ku toogtay Magaalada Nairobi

Booliiska dowlada Kenya ayaa sheegay iney xalay ku dileen xaafadda Langata ee magaalada Nairobi sadex nin oo Soomaali ah, kuwaasoo ku hubeysnaa bastoolado.

Saddexdan nin ayaa xilligii la dilayay waxay dhac u geysanayeen haweeney iyagoo ka qaatay telefoon iyo alaabo kale.

Waxay ku hubeysnaayeen bastoolado, waxayna weerar ku qaadeen haweeneyda oo markaas ka soo degatay taksi, waxaa la sheegay inay qeylisay kaddibna dad goobtaas ka dhowaa ay booliiska wargeliyeen.

Booliiska oo goobtaas soo gaaray ayaa kaddib arkay raggan laga shakiyay oo isku dayaya inay baxsadaan.

Burcadda ayaa ugu dambeyn la hareereeyay, waxaana la sheegay in iyaga iyo booliiska ay rasaas is weydaarsadeen taasoo ugu dambeyn sababtay in halkaas lagu dilo saddexda nin, lamana oga hadii uu jiro khasaare soo gaaray booliska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -