Sacuudiga oo dhulka soo dhigay dayuurado iyo gantaalo lagu soo weeraray

Sida soo xigtay saraakiil ka tirsan isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo, Gantaalada Difaaca hawada ee boqortooyada Saudi Arabia ayaa Sabtida maanta ah hawada ku burburiyay ilaa 8 gantaal iyo diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn ah oo ay kooxda Xuuthiyiintu ku weerartay koonfurta carriga Sacuudiga.

Afhayeen u hadlay kooxda Xuuthiyiinta ayaa ku qoray Twitter in hal diyaarad oo drone ah nooca aan duuliyaha laheyn lagu weeraray xarun militari oo ku taalla magaalada Khamis Mushait.

Hase ahaatee, isbahaysiga Sacuudiga ayaa sheegay in ilaa 7 diyaaradood oo drones ah lagu weeraray koonfurta Sacuudiga hawada laga qabtay.

Kooxda Xuuthiga ee taageerada ka hesha Iran ayaa lixdii sano ee la soo dhaafay weerar la beegsanaysay Khamis Mushait iyo magaalooyinka kale ee ku dhow xadka dalka Yemen.

Isbahaysi ciidan oo ay Riyadh horkaceyso ayaa 2015-kii weeraray Yemen ka dib markii ay Xuuthiyiintu ka qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Sanca dowladda Yemen ee uu taageero Sacuudiga islamarkaana haysata aqqoonsiga caalamiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -