(Sawirro) Laftagareen oo dayuurad ku tegay degmo ay go’doomisay Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Lafgareen ayaa waxaa soo dhoweeyey maamulka degmada Waajid iyo qeybaha bulshada, isagoo dad shacab ah kula hadlay xarunta Maamulka degmadaas.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka mahad celiyey sida diiran ee loo soo dhoweeyey isagoo xusay in ujeedada safarkooda uu la xiriiro sidii ay uga qeyb geli lahaayeen caleemo saarka gole degaan iyo maamul cusub oo loo sameeey degmada Waajid.

Lafgareen ayaa sidoo kale sheegay in inta y joogaan Waajid ay kulamo la qaadan doonaan qeybaha bulshada, ayna u kuurgeli doonaan dhibaatooyinka ka jira degmadaas iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa muddo 10 sano ah waxaa god’oomiyey dagaalyahanada Al-shabaab, kuwaasoo jaray badeecadaha ganacsi ee degmadaas tegi jiray iyadoo dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaas ay dareemayaan ciriir dhinaca nolosha oo la xiriira raashiinka daruuriga ah oo qaaliyoobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -