Sare u kac weyn oo laga cabsi qabo inuu ku yimaado Qiimaha Bariiska caalamka (Sababta)

Dawladda Ruushka ayaa mamnuucay in bariiska dalkeeda laga dhoofiyo, illaa dhammaadka sannadkan aynu ku jirno ee 2023.

Ruushka ayaa noqonaya dalkii saddexaad ee maalmo yar gudahood mamnuuca in uu dunida u dhoofiyo bariiska dalkiisa ka soo go’a.

Ruushku waxa uu joojinta dhoofka bariiska ku sababeeyey in uu xasilinayo suuqa gudaha dalkiisa. Si kastaba ha ahaato ee waxaa jira warar sheegaya in ujeedada runta ah ee Ruushku leeyahay ay tahay, in uu doonayo in hadda kaddib waxsoosaarkiisa lagu iibsado lacagta dalkaas ee Rubles.

Wasaaradda dhaqaalaha ee Imaaraadka Carabta ayaa iyaduna jimcihii ku dhawaaqday in ay si ku meelgaar ah, muddo afar bilooda joojisay dhoofinta bariiska.

Go’aankan waxaa kaga horreeyey dalka Hindiya oo isaguna sheegay in uu joojiyey dhoofka bariiska noociisa cad, marka laga reebo Basmaatiga.

Hindiya waa dalka labaad ee bariiska ugu badan dunida u dhoofiya. Waxa aanay mamnuucistaas ku sababaysay sicirbarar dhinaca cuntada ah oo dalkeeda ka jira awgeed, in ay doonayso in muwaadiniintu ay bariiska qiime jaban ku helaan.

Go’aamadan ayaa la filayaa in ay sababi doonaan bariis yaraan soo foodsaarta suuqyada cuntada adduunka, iyo in qiimaha bariisku uu kaco.

- Advertisement -