15 ruux oo Boorame & degaano ku dhow ugu dhintay roobab dabeylo & daadad wata (Daawo Sawirro)

Mas’uuliyiinta Gobolka Awdal ayaa sheegay in ilaa 15 qof ay dhinteen ka dib roobab dabaylo wata oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ayey Gobolka.

Gudsoomiyaha Gobolka Awdal Cabdraxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in tirada dhimashada guud ahaan ay tahay 15 ruux oo ku kala dhintay degmooyinka Lughaya, Baki iyo Boorame.

Roobab dabeyla wata ayaa ka da`ay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal kuwaasoo si weyn u saameeyey magaaladaas 24kii saac ee la soo dhaafay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in degaanada qaarkood ay daadadku la tageen beero badan, iyadoo wararka hordhaca ahi sheegayaan xoolo badan oo ari iyo geel u badan ay ku dhinteen roobabka.

Magaalada Zaylac ayaa iyana dadkii laga daadgureeyay shalay laakiin aan wax dhimasho ah lagama soo sheegin ilaa iyo haatan dooxyada ku dhow zaylac ayaa daadadku ku qaadeen gaadiid.

Dhinaca degmada Bullaxaar iyo Ceel-Sheekh ee gobolka Saaxil iyana waxaa la soo sheegayaa guryo badan oo uu roobku dumiyay iyo xoolo ku dhintay .

Wararka ayaa sheegaya gurmad ay wadaan xukuumada Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ahi oo haatan la bilaabay in la gaarsiiyay dadweynaha khasaaruhu ka soo gaaray roobabka iyo daadadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -