Cabdirashiid Janan oo dalka Dibadiisa lagu arkay iyo Wasiir katirsan Dowlada oo la socda

Wasiirkii hore ee Amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan oo mudooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa lagu arkay magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Cabdirashiid Janan ayaa tan iyo markii uu heshiiska la gaaray dowlada Madaxweyne Farmaajo hogaamiyo ku sugnaa magaalada Muqdisho, hasa ahaatee safarkii ugu horeesay oo dalka dibadiisa ah ayuu ugu baxay magaalada Adis Ababa.

Sida aan wararka ku helnay safarka Cabdirashiid Janan ku joogo magaalada Adis Ababa waxaa ku wehliya Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaadiidka Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Dheere oo ahaa ninkii ku qanciyay Janan in dowlada isku soo dhiibo.

Wali si dhab ah looma oga ujeedka Cabdirashiid Janan u tagay magaalada Adis Ababa, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in dalkaasi u doontay baasaboor halka warar kalana sheegayaan in uu qorsheenayo in dib ugu laabto gobolka Gedo.

Loolankii gobolka Gedo ee u dhaxeeyay dowlada federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa meesha ka baxay tan iyo markii uu Cabdirashiid Janan kasoo goostay maamulkii uu wasiirka ka ahaa iskuna dhiibay dowlada federaalka uu heshiisyo hoose la gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -