War cusub oo kasoo kordhay Haweeneydii la sheegay in ay dhashay 10 cunug oo mataano ah

Warbaahinta caalamka qaarkood iyo baraha bulshada  ayaa si weyn loogu baahiyay horaantii bishan war ku saabsanaa in haweeney u dhalatay dalka Koonfur Afrika ay dhashay 10-cunug oo mataano ah .

Gosiame Sithole, ayaa 7-dii bishii June ee sanadkan la sheegay in ay dhashay 10-cunug oo mataano ah,  waxaana warkan markii ugu horeesay daabacay warbaahin kasoo baxday magaalada Pritoria ee caasimada dalka Koonfur Afrika.

Warkan ku saabsan haweeneydan dhashay 10-ka cunug ayaana hadal heyn badan ka abuuray gudaha dalka Koonfur Afrika, waxa ayna dadka qaar ku tilmaameen warkaasi mid aan xaqiiqo aheyn oo u baahan baaritaan.

Dowlada Koonfur Afrika ayaa lagu soo waramayaa in baaritaan ku sameeneyso warkan ku saabsan haweeneydan dhashay 10-ka caruur, waxa ayna dowlada dooneysa in laga sal gaaro jiritaanka warkan in uu xaqiiq yahay iyo in kale.

Wasiirka arrimaha bulshada dalka Koonfur Afrika Lindiwe Zulu, ayaa sheegtay in arintan la baahiyay dadka layaab ku noqotay, waxa ayna xustay in muhiim tahay in arintan la baaro si xaqiiqada loo ogaado.

Lindiwe Zulu, ayaa ka gaabsatay in ay xaqiijiso jiritaanka hooyadan dhashay 10-ka cunug ama ay beeniso, waxa ayna cadeesay kaliya in arintan baaritaan lagu sameenayo si loo ogaado xaqiiqada jirta.

Sheekada haweeneydan dhashay 10-ka cunug ayaana si weyn u qabsatay caalamka, waxaana dadka qaarkood layaab ku noqotay arintan halka dadka qaarna tilmaameen wax suurto gal ah maadaama maalmo kasii hor hooyo kale dalka Moroko u dhashay 9-cunug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -