Dowlado badan oo codkooda u ballanqaaday Musharax Fowsiya Yuusuf iyo Raila oo niyad jabay

Dowladda Soomaaliya ayaa olole xooggan ugu jirta sidii Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan loogu dooran lahaa guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Africa, doorashada soo socota oo ay loollan adag la gali doonto musharax dowladda Kenya wadato.

Ku-dhawaad 30 waddan oo Afrikaan ah, kana tirsan dalalka islaamka ee ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, ayaa caddeeyay in ay codkooda ku taageeri doonaan  Murashax Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, si ay kursiga guddoomiyaha EU ugu guuleesato.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo horey usoo noqotay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya , ayaa olole xooggan ugu jirta sidii ay u noqon laheyd guddoomiyaha ururka Midowga Afrika oo dalal kale u tartamayaan.

Soomaaliya ayaana taageero badan hadda ka heleysa dalalka Islaamka ee katirsan Midowga Afrika, kuwaa oo badankood u ballanqaadeen musharaxa Fowsiya Yuusuf in codkooda siin doonaan si ay ugu guuleesato kursiga hoggaaminta ee EU.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya  Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay in ay Soomaaliya guul weyn u tahay taageerada ay ka heleen Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo ay ku bahoobeen 57 dal, oo 30 kamid ah kasoo jeedaan Qaaradda Afrika.

Taageerada dalalka Islaamka ee katirsan Qaarada Afrika mujiiyeen musharax Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa niyad jab ku riday musharaxa loollanka adag kula jira ee Raila Odinka oo mar soo noqday Ra’isul Wasaaraha dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -