Madaxweyne Farmaajo oo Dhambaal u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale si aqlibiyad leh u doortay Antonio Guterres in uu sii ahaado  xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay shanta sano ee soo socota kadib doorasho shalay oo jimco aheyd oo la qabtay.

Madaxweynaha Soomaliya mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, oo markii labaad loo doortay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Qoraalka uu Madaxweyne Farmaajo soo saaray ayuu ku sheegay in dawladda Soomaliya soo dhaweeneyso  in markale Antonio guterres noqdo xoghayaha guud, sidoo kalana ay dawladdu si hagar la’aan ah u taageerayso.

Dib u doorashada xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres  waxaa si diiran usoo dhaweeyay qaar kamid ah madaxda wadamada caalamka gaar ahaan kuwa xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -