Al-Shabaab oo xeelad yaab leh u adeegsatay weerarkii lagu dilay askariga Maraykanka

Al-Shabaab ayaa la sheegay iney xeelad ahaan u leexisay wabiga Juba si uu ugu fataho goob ay wadajir ugu sugnaayeen ciidamada Soomaaliya, Kenya iyo kuwa Maraykan ah oo hawlgal ka fulinayay Koonfurta Soomaaliya, sida uu ku warramay websiteka Daily Beast ee dalka Maraykanka laga leeyahay.

Markii uu wabigu fatahay ciidamaduna ay bilaabeen inay biyaha meel taag ah ka fuulaan ayaa weerar lagu bilaabay sidaas ayayna Jimcihii ku dileen askari Maraykan ah.

Madaxweynaha Maraykanku uu ka tacsiyeeyay askarigaas oo lagu diley weerar ka dhacay meel u dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Isla weerarkaasna waxaa lagu dhaawacay askar Maraykan ah iyo kuwa Soomaali ah.

Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qorey “Waan la murugoonayaa, waanan u duceynayaa qoysaska ay ka baxeen askariga lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay Soomaaliya. Runtii waa geesiyiin”.

Askariga ayaa lagu dilay weerar looga shakinsayahay in ay geysteen dagaalameyaasha al-shabab ee koonfurta Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha ciidammada Mareykanka.

Afar kale oo ka tirsan ciidamada Mareykanka iyo askari soomaali ah ayaa sidoo kale lagu dhaawacay weerarkaas ayay intaasi ku dareen saraakiisha ciidamada difaaca ee Mareykanka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -