Akhriso: Magacyada Tobanka dal ee dunida ugu amniga xun oo la shaaciyey & Somalia oo..

Hey’adda Globol Law and Order Index ee falanqeysa Arrimaha amniga caalamka ayaa soo saartay warbixin sannadle ah oo lagu qiimeeyo waddamada ugu amniga badan iyo kuwa ugu amni darrada badan caalamka.

Soomaaliya oo ku dhowaad 30 sannadood ku jirtay xaalado degnaasho la’aan ayaa hadda u muuqata mid uga xuub siibaneysa si tartiib-tartiib ah sida ay aaminsan tahay hey’adda Globol Law and Order Index.

Liiska 10-ka dalka ee ugu Amni darrada  badan  waxaa safka hore ka galay waddamada kala ah.

Sierra-Leone

Botswana

Dominican Republic

Mexico

South Africa

Liberia

Gabon

South Sudan

Afghanistan

Venezuela

hay’adda Global Law and Order Index ayaa warbixinteeda ku saleysay sharciga iyo kala danbeynta dhibco isku dhafan oo ku saleysan kalsoonida dadka ay ku qabaan Booliska degaanka, dareenkooda nabad galyada shaqsi ahaaneed iyo dhacdooyinka xatooyada iyo weerarka iyo soo qabashada tuugada, Heerka sare ee dhibcaha, ayaa ka sarreeya saamiga dadweynaha oo sheegaya inay dareemayaan ammaan.

Warbixinta ayaa diiradda saartay dalka Venezuela oo kalinta koowaad ka galay waddamada ugu amni darrada badan caalamka, tan oo tusaale cad u ah in Soomaaliya ay horey u qaadday  tallaabooyin amni iyo mid dhaqaale oo ay hey’adaha cilmi baarista iyo dabagalka caalamka si weyn u hadal hayaan.

Warbixinta ayaa qireysa in dalalka 10-ka ah  cel-celis ahaan maalintiiba ay ka dhacaan dilal loo fuliyey si argagax leh iyo weerarro geysta khasaare dhisamasho oo baaxad leh.

Sanadkii tagay ee 2017 ayaa sidaan oo kale warbixin hay’adaha Caalamiga ah ay ka qoreen amni darada ka jirta wadamada caalamka Soomaaliya ka saaray liiska wadamada ugu amniga xun ee adduunka,taasi oo muujinaysa in Soomaaliya ay u jeheysatay dhanka horumarka.

 

- Advertisement -