Madaxweyne xigeen caan ah & xaaskiisa oo laga helay cudurka Coronavirus

Madaxweyne ku-xigeenka Koonfurta Sudan, Riek Machar oo qayb ka ahaa guddiga la dagaalanka cudurka Coronaviris ayaa laga helay isla cudurkaas

Machar ayaa sheegay in xubna kale oo ka tirsan isla guddiga laga helay cudurka ayna koox cusub sii wadi doonta shaqada inta ay karantiilka ku jiraan.

Xaaskiisa, Angelina Teny, iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa ayaa sidoo kale laga helay cudurka COVID-19.

Khubarada ayaa ka cabsi qaba sida ay Koonfurta Suudan ula tacaali karaysa fayraska maadama muddo tobannaan sano ah ay ka jireen dagaalo sokeeye oo dhiig badan uu ku daatay.

Kiisaska Coronaviris ee dalka Koonfurta Sudan ayaa gaaray 236 halka ay afar qofna u dhinteen sida dowlada wadankaas ay sheegtay.

Riek Machar ayaa noqonaya masuulkii ugu sareeyey dalalka qaarada Afrika oo laga helo cudurka Coronavirus oo weli faro kulul ku haya caalamka meelo badan oo ka mid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -