Nin 35-sano kahor ka goostay Ciidamada Cirka Mareykanka oo la xiray (Daawo Sawirro)

Dowlada Mareykanka ayaa xitray askari  35-sano kahor ka goostay ciidamada Cirka dalkaasi , waxaana ninkan oo mudo badan la baadi goobayay ugu dambeyn lagu qabtay gobolka California.

William Howard Hughe ayaa sanadkii 1983-dii si qarsoodi ah uga goostay ciidamada Cirka dalka Mareykanka uu kamid ahaa, waxaana tan iyo xiligaasi dowlada iyo Taliska Milatariga waayeen halka uu jaan iyo cirib dhigay .

Ninkan ayaana markii ugu dambeysay ee la aqoonsado la arkay isaga oo lacag gaareysa $28,500 kala baxaya bangi, waxaana xiligaasi waxii ka dambeeyay la waayay wax war iyo wacaal ah oo ninkan ku aadan.

Saraakiisha socdaalka dalka Mareykanka ayaa horaantii bishan wareestay ninkan mar ay ka shakiyeen baasaboorkiisa, waxaana ninkan magaciisa William Howard Hughe ku bedeshay magaca kale ee Barry O’Beirne.

Baaritaano adag oo ninkan lagu sameeyay ayaa markii dambe la ogaaday  in uu yahay William Howard Hughe , waxaana ninkan hada ku xiran yahay xabsi ku yaala xarunta ciidamada cirka ee California.

Mr Howard ayaa sheegay inay murug ku haysay inuu ka tirsanaado ciidamada cirka dalka Mareykanka taasina ay ku qasabtay inuu ka baxsado uuna samaysto magac been ah si aan loo aqoonsan.

Ninkan ka baxsaday Ciidamada Cirka dalka Mareykanka ayaa kamid ahaa 7-qof oo la baadi goobayay, waxaana ninkan xiliga la xirayay uu kasoo laabtay Dalka Holand isagoona la shaqeenayay Gaashaanbuurta NATO.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -