Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Biden & dhigiisa Ruushka oo kulan ku leh Magaalada Gineva (Sawirro)

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa kulan ku leh magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Madaxweyne Putin ayaa u mahad-celiyey madaxweyne Biden, wuxuuna rajeeyey in kulanka uu noqdo mid miro-dhal ah.

Putin ayaa u sheegay Biden inuu ka mahad-celinayo kulanka, sababtoo ah wuxuu sheegay inuu ogyahay in madaxweynaha Mareykanka “uu soo galay safar dheer, uuna soo qabtay shaqooyin badan.”

Labada hoggaamiye ayaa waxaa lagu wadaa inay wax ka qabtaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin dambiyada Internet-ka iyo faro-gelinta la tuhunsan yahay in Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii Mareykanka ka dhacday.

Kulanka ayaan laga fileyn inay kasoo baxaan wax heshiisyo ah, sida ay sheegeen saraakiisha labada dhinac. “Ma rajeyneyno in wax weyn ay kasoo baxaan kulanka,” waxaa sidaas yiri sarkaal oo Mareykan ah oo weriyayaasha la hadlay.

“Ma hubo in wax heshiis ah la gaari karo,” waxaa isna sidaas sheegay la-taliyaha siyaasadda arrimaha dibedda ee Putin, Yuri Ushakov.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/wZBSQnkj0Ho

Related posts

Daahir Geelle: “Arrin aan labo sano ka hor ka diiday Farmaajo ayuu Wasiir Dubbe aqbalay”

Caydiid Ali

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gantaalo cusub kadib markii uu fashilmay …

Cabdi Cade

Itoobiya oo jawaab caro leh ka bixisay cuno-qabateyn uu ku soo rogay Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---