Axmed Madoobe oo Wadahadal la yeeshay Clementine Awu Nkweta iyo Xubno kale

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula qaatay Agaasimaha Gobolka ee Bariga, iyo Geeska iyo Harooyinka Waaweyn ee Afrika, ahna Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee UNHCR Clementine Awu Nkweta Salami, iyo Ergayga Gaar ah ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Africa, Danjire, Maxamed Cabdi Affey iyo xubno kale.
 
Kulanka ayaa looga hadlayay sidii loo dardar galin lahaa tageerada dadka qoxootiga ah ee sida iskood ah dalka ugu soo noqonaya iyo saamaynta go’aanka Dowlada Kenya ay ku xirayso xeryaha qoxootiga ay ku yeelan karto.
 
Waxaa sidoo kale kulanka Madaxweynaha Jubbaland la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa lagu falanqeeyay wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan dadka gudaha dalka ku barakacay iyo sidii loo caawin lahaa.
 
Magaalada Kismaayo iyo deegaano kale oo katirsan maamulka Jubbaland ayaa waxaa dib ugu soo laabtay mudooyinkii lasoo dhaafay dad badan oo Soomaali ah oo qaxooti ahaa mudo u joogay xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -