Daahir Geelle: “Arrin aan labo sano ka hor ka diiday Farmaajo ayuu Wasiir Dubbe aqbalay”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku eedeeyey dowladda Madaxweyne Farmaajo inay si aan wanaagsaneyn ula dhaqanto mucaaradka.

Daahir Geelle oo sidoo kaled ka midx ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in markii uu ahaa Wasiirka Warfaafinta ay taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo ula yimaadeen inuu siyaasiyiinta mucaaradka ku tilmaamo kuwo xanaaqsan uuna ka diiday, balse haatan farriintaas iyo mid ka xun ay u dhiibeen Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Dubbe uuna ka aqbalay.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu Daahir Geelle ku faahfaaiyey arrintan kaasoo u qornaa sidan soo socota.

..”Laba (2) sano kahor, Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa mucaaradka ku sifeeyay “siyaasiyiinta xanaaqsan”. Anigoo wasiirka warfaafinta ah ayaa taageerayaashiisu iigu yimaaddeen inaan hadalkaas faafiyo. Waan ka diiday. Hadda, wasiirka cusub ee warfaafinta, Mudane Cismaan Dubbe, ayaa loo soo dhiibay nuqulkii labaad, wuxuuna hadalkiisii ugu horreeyay ee uu fagaare ka yiraahdo ku sifeeyay mucaaradka siyaasiyiin waalan. Tolow, nuqulka saddexaad muxuu noqon doonaa, yaase loo soo dhiibi doonaa?! Udub dhexaadka madaxweynenimadu waa dhaqan iyo dhawaq suubban”..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -