Ra’isul Wasaaraha maamulka Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa maanta ka hor sheegay Baarlamaanka Israa’iil inay xaqiijiyeen dilka Maxamed Sinwar oo ahaa hoggaamiyaha ugu sarreeyay Xamaas ee ku sugnaa gudaha magaalada Qasa.
Netanyahu ,ayaa sheegay in milatarigooda weerar ay fuliyeen nolosha ku dhaafiyeen Maxamed Sinwar uu ku tilmaamay mid halis ahaa, waxa uuna intaa ku daray in weerarka hoggaamiyah lagu dilay sidoo kale ku geeriyoodeen xubno kale oo kooxda Xamaas katirsanaa.
Mohammed Sinwar, ayaa Israa’iil sheegtay in lagu dilay weerar balaaran oo ka dhacay barxadda iyo agagaarka isbitaalka Yurub ee ku yaalla koonfurta magaalada Khan Younis 13-kii Maajo, waxa ayna Israa’iil sheegeen weerarkaasi lagu burburiyay godad ay Xamaas adeegsan jirtay.
Kooxda Xamaas , ayaan wali beenin sidoo kale xaqiijin geerida hoggaamiye Maxamed Sinwar, mana jiro ilaa hadda war rasmi ah oo Xamaas kasoo saartay geerida lagu sheegay hoggaamiyahooda. Osmaan Xamdan oo katirsan Xamaas kuna sugan meel ka baxsan Qasa ayaa kaliya horey u beeniyay in la dilay Sinwar.
Hoggaamiyahan Israa’iil sheegtay in ay dileen ayaa la dhashay Yaxye Sinwar oo ahaa hoggaamiyihii ururka Xamaas, kaa oo bishii October ee sannadkii hore Israa’iil ku dishay weerar ka dhacay magaalada Rafah ee dhulka Falastiin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com