Fadeexad ku soo baxday guddigii Rooble u xilsaaray kala saarida xubnihii cabashada laga keenay

Fadeexad cusub ayaa soo wajahday Guddigii Ra’iisul Wasaaraha Somalia u xilsaaray kala shaandheynta xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiyadii doorashada ka dib markii la xaqiijiyey inay sii daayeen xubno shaqaale rayid ahaa oo ku jiray 67 xubnood ee eedeeynta loo jeediyey.

Guddigan uu hoggaaminayay wasiirka Waxbarashada Somalia C/llaahi Carab ayaa la sheegay iney talaabadan qaadeen ka dib markii ay la kulmeen cadaadis kaga yimid Taliyaha NISA Fahad Yaasiin kaasoo ku qasbay iney sii daayaan xubno ka mid ahaa kuwii laga keenay cabashada.

Xubnaha aan la bedelin ee la sii daayey waxaa ka mid ah nin magaciisa lagu sheegay Yoonis Xasan Xuseen (Alifow) oo ku jira Guddiga doorashada Dowlad Goboleedka Hirshabelle, kaasoo ka mid ahaa shaqaalaha Rayidka, kana soo shaqeeyay Madaxtooyada Somalia.

Ninkan ayaa markii dambe Guddoomiye Ku-xigeen ka noqday hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha, waxaana horay u soo eedeeyeen Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo sheegay inuu si sharci daro ah labo Mushahar u qaadanayay, waxaana dalbaday inuu dowlada siiyo  magdhaw lacageed oo gaarayay 6,352 dollar, kaasoo ahaa lacagtii uu sharci darada ku qaatay.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa horey ugu eedeeyey guddiga uu magacaabay RW Rooble in xubnaha la sii daayey ee guddiyada doorashooyinka ay weli ku jiraan saraakiil iyo xubno kale oo ka mid ahaa kuwii cabashada laga gudbiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -