Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gantaalo cusub kadib markii uu fashilmay …

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay in maanta oo sabti ah ay tijaabisay gantaalo nooca riddada gaaban ah, waxaana tijaabadan ay ka dhacday magaalada Wonsan oo kutaala bariga dalka Kuuriyada Waqooyi.

Madaxa shaqaalaha ciidanka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in saakay Waqooyiga Kuuriya tijaabiyeen tiro gantaalo nuuca ridada dhaxe ah, waxa uuna sheegay in gantaalo xiriir ah ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi.

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaan wali wax war ah kasoo saarin gantaaladan la sheegay in ay tijaabisay, gantaalada riddada dhaw xadgudub kuma aha cunaqabateynadii caalamiga ah ee saarnaa barnaamijka gantaalada.

Tijaabinta hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa imaanaya kadib markii uu fashilmay heshiiskii dhinaca Nukliyeerka ee u dhaxeeyay dowladaha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

 

 

- Advertisement -