Itoobiya oo jawaab caro leh ka bixisay cuno-qabateyn uu ku soo rogay Maraykanka

Itoobiya ayaa sheegtay iney dib u qiimeyneyso xiriirka ay la leedahay Mareykanka, haddii ay sii wadaan wax ay ku tilmaantay fara galinta ay ku hayaan arrimaha gudaha dalkooda.

Hadalkan ayaa jawaab u ahaa cuna qabteyn dhaqaale iyo mid socdaal oo Mareykanku sheegay inuu ku soo rogay Itoobiya taasoo ka dhalatey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigree.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in talaabo caalami ah loo baahday si loo xaliyo shaqaaqan, isagoo intaa ku darey in dhinacyada ku lugta leh dagaalka gobolka Tigreega ay dhagaha ka fureysteen dalabyadii loo soo gudbiyey ee joojinta colaadda.

Itoobiya ayaa sheegtay in arrimahan ay kala hadli doonto dowlado kale, oo uu ku jiro Mareykanka, si loo hagaajiyo waxna looga badalo duruufaha jira, gaar ahaan in gargaarka bani’aadanimo uu gaari karo gobolka Tigree ee ay dagaaladu aafeeyeen.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa lagu sheegay in dowladdu ay wada hadal la fureyso ururka TPLF, kaasoo xukumayey gobolka waqooyiga balse looga tuuray duulaan ay ku qaaday dowlada Itoobiya ka dib markii ay ka hor yimaadeen talaabooyin ay qaaday dowlada dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -